Faadumo Dayib oo laga reebay guddiga anshax ilaalinta doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya

Marwo Faadumo Qaasim Dayib ayaa horey u sheegtay in ay u tartamayso madaxweynaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Marwo Faadumo Qaasim Dayib ayaa horey u sheegtay in ay u tartamayso madaxweynaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Marwo Faadumo Qaasim Dayib ayaa laga reebay guddiga anshaxa ilaalinta ee doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku daabacday boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ee dowladda federaalka Maxamed Cumaan Jawaari ayaa dabayaaqadii asbuucii lasoo dhaafay magacaabay guddiga ilaalinta anshaxa doorashada oo ka kooban sagaal xubnood.

Faadumo Dayib ayaa sheegtay in fariin qoraaleed ay ka heshay Cabdikariim Xaaji Cabdi Buuxe oo ah xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya loogu sheegay in dib u eegis lagu sameeyay tirada xubnaha laga reebay iyada.

“Hadda waxaa la igu wargeliyay in aanan kasii mid ahaan doonin guddiga. Waxaana u malaynayaa in aynu wada ognahay sababta. Ima ay aamusin karaan, ima ay iibsan karaan.” Ayay Faadumo Dayib ku qortay boggeeda Twitter-ka.

Waxay sheegtay in ay u malaynayso in musharax raba in uu dib u soo noqdo uu go’aansaday in laga saaro liiska iyada.

“ 23-ka musharax oo kale ma jiro mid ka walaacay magacaabidayda guddiga. Badankood waxay isoo gaarsiiyeen hambalyo inskatoo ay baqdin jirto,” ayay tiri Marwo Faadumo.

“Waxay u muuqataa musharax rajo ka qaba in uu dib u soo noqdo in uu ku adkeystay in la iga saaro liiska. Taasi waa awood ku tumasho cad. Muxuu ka baqayaa musharaxaas?” ayay ku dartay.

Faadumo Qaasim ayaa horey u sheegtay in ay u tartamayso madaxweynaha Soomaaliya, balse waa ay ka hartay iyada oo hab u socodka doorashada ku tilmaamtay mid ay hareeyeen musuq-maasuq.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*