Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay safar ku yimid Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo garoonka Garoowe ku soo dhaweynaya Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawirka: Sakaria Nur/Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ku yimid Puntland  markii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xafiiska bishii Maarso ee 2017-ka.

Khayre ayaa kasoo degay caasimada Puntland ee Garoowe, maanta oo Axad ah, waxaana soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Boqolaal dad weyne ah ayaa sidoo kale saf u galay wadada laamiga ah ee Garoowe si ay u soo dhaweeyaan Raysulwasaaraha.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan soo booqdo hooyadii Soomaaliya, Puntland,” ayuu u sheegay dad badan oo isugu soo baxay barxada Garoowe.

Inta uu safarka ku joogo Puntland, Xasan Cali Khayre ayaa wadahadal la yeelan doona masuuliyiinta Puntland iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sidoo kale waxaa uu ka qeybgali doonaa sanadguurada 20-aad ee Puntland, oo la filayo in la qabto 1-da Agoosto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*