Ciidamada ammaanka Puntland oo ku dhawaad 120 qof oo looga shaki qabo ururo argagixiso ku xiray Boosaaso

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 120 qof oo looga shaki qabo ururo argagixiso ayaa lagu xiray howlgal ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays sidoo kale loo yaqaan Dhedo ayaa saxaafada u sheegay in dadka laga shaki qabo lasoo qabtay kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgal ka sameeyeen qeybaha kala duwan ee magaalada.

Howlgalka ayaa yimid maalin kadib markii taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Puntland Jaamac Saxardiid lagu dilay weerar ka dhacay Boosaaso, oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*