Madaxweynaha Puntland oo shaqada ka ceyrshay saraakiil katirsan ciidamada

Layli iyo saraakiisha kale ee la ruqseeyay ayaa dhawaan shir jaraaid oo ay ku qabteen Garoowe ku muujiyay taageero ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa shaqada ka ceyrshay todobo sargaal oo katirsan ciidamada Daraawiishta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in saraakiisha ay ku xadgudbeen anshaxa ciidamada Puntland.

Magacyada saraakiisha la ruqseeyay ayaa kala ah:

1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)

2.G/Sare Maxmed Cali Qase

3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)

4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)

5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)

6. G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)

7. Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Sidoo kale, bayaan kale oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa Axmed Cabdullaahi Samatar oo loo yaqaan Layli looga ceyrshay shaqada ciidamada booliiska, isaga oo sidoo kale lagu eedeeyay in uu ku kacay falal lidi ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidanimo.

Layli iyo saraakiisha kale ee la ruqseeyay ayaa dhawaan shir jaraaid oo ay ku qabteen Garoowe ku muujiyay taageero ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*