Madaxweynaha Puntland oo Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud u magacaabay duqa kumeelgaarka ah ee Garoowe

Duqa kumeelgaarka ah ee Garoowe, Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud.[Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Geedi u magacaabay duqa kumeelgaarka ah ee Garoowe kadib markii uu caawa soo saaray digreeto uu ku kala diray golihii deegaanka ee degmada oo uu hoggaaminayay Axmed Siciid Muuse afartii sanno ee u dambeeyay ahaa duqa degmada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddoomiyeyaal degmo u magacaabay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland oo bog wareedka Puntland Mirror uu arkay ayaa duqa xilka ka tagaya ee Garoowe Axmed Siciid Muuse ku eedaysay musuqmaasuq iyo lunsasho lacago, taasoo uu madaxweyne Deni u daliishaday kala dirista golaha degmada.

Garoowe ayaa kamid ah magaalooyinka loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada hal qof iyo hal cod ee hanaanka xisbiyada badan ee Puntland, inkastoo ay jiraan caqabado badan oo wajahaya hanaanka.

Puntland ayaa markii ugu horeysay doorasho hal qof iyo hal cod laga qabtay saddex degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taasoo dhabaha u xaartay suurtagalnimada nidaamka xisbiyada badan ee Puntland oo dhowr jeer oo hore fashilmay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*