Muxuu safarka Khayre uu muhiimad u leeyahay Puntland?

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo garoonka Garoowe ku soo dhaweynaya Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali, July 29, 2018. [Sawirka]
Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah safar ku yimid caasimada Puntland ee Garoowe. Waa safarkiisii ugu horeeyay Puntland tan iyo markii la doortay.

Puntland iyo shacabkeeda ayaa si maamuus leh u soo dhaweeyay wefdiga Raysulwasaaraha.

Puntland Mirror ayaa weydiiyay Siciid Abshir Yuusuf oo ah falaanqeeye arrimaha siyaasada Soomaaliya muhiimada uu safarka Xasan Cali Khayre u leeyahay Puntland iyo waxa laga filan karo.

“Run ahaantii, fikaradayda, waa dalkisii oo waa sax in uu booqdo mar walba, balse wax badan lagama filan karo safarkaas, marka loo fiirsho waxyaabo badan oo ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada,” ayuu yiri Siciid.

“Marka uma malaeyn doono in uu wax cusub kaga duwanaan doono kuwii horey ay ugu imaan jireen Raysulwasaarayaashii isaga ka horeeyay,” ayuu ku sii daray.

Siciid ayaa sheegay in Puntland aysan wax faaiido ah ka helin dhammaan dowladihii dhexe ee dalka soo maray tobankii sanno ee lasoo dhaafay.

“Wax faaiido ah oo la taabaan karo Puntland kama aysan helin xukuumadihii dowladda dhexe ee kala dambeeyay ilaa iyo Cabdullaahi Yuusuf, balse taas badalkeeda iyadaa naf iyo maalba gelisay sidii ay dowlad dhexe oo federal ah oo Soomaaliyeed loo heli lahaa,”

“Bal iskaba daa madaxdii soo martay dowladihii u dambeeyay ee federaalka ayaa ka hor istaagay mashaariic horumarineed oo faro badan oo qiimo weyn u yeelan lahaa ummada reer Puntland ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Siciid.

Qeybsiga deeqda caalamka ee Soomaaliya

 Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, mashaariic badan oo ay ku deeqeen caalamku oo magaca Soomaaliyeed lagu helay ayaa soo dhaafi waayay Muqdisho oo keliya.

“Mashaariic malaayiin dollar ah oo dunidu siisay Soomaaliya ayaa lagu koobay Muqdisho, halka si siman loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan, taasina waxay keentay kalsooni daro ay dadka Soomaaliyeed ee gobolada kale ku dhaqan ay ka qabaan dowlada dhexe” ayuu yiri falaanqeeye Siciid.

Mashaariicda ugu badan ayaa laga helay dalka Turkiga, Midowga Yurub iyo wadamada kale ee dunida ah.

Mashruucii ugu dambeeyay ayaa sanadkii 2017-ka laga helay dalka Qatar kaasoo ay ku baxayso dhaqaale dhan $200 milyan, waxaana mashruucaas balaaran loo qondeeyay keliya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, oo isku jira wax ka yar 40 kiilomitir.

Booqashooyinkii Raysulwasaarayaashii hore

Puntland waxaa lagu tilmaamaa “hooyada Soomaaliya” taasoo loola jeedo in ay tahay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee dalka ka dhashay burburkii kadib, iyada oo markaas kadib dadaal naf iyo maalba ku bixisay sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd mar labaad iyada oo qaadan doonta nidaamka federaalka, maxaa yeelay burburkii ayaa laga dhaxlay dowlad dhexe oo hal meel keliya wax gelisa.

Sidaas darteed, Raysulwasaarayaashii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay ayaa safaro ku yimid Puntland. Waxayna heshiisyo la saxiixdeen Puntland oo tilmaamaya arrimo badan oo ay ku jiraan wadashaqeynta iyo wadaagista deeqaha caalamka laga helo, balse nasiib daro dhammaan heshiisyadaas ayaan hirgalin.

“Tan iyo 2011-kii Puntland waxaa soo booqday ilaa afar Raysulwasaare marka laga reebo Xasan Cali Khayre, waxay la galeen heshiisyo muhiim ah, balse nasiib daro dhammaantood waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay,” ayuu yiri Siciid Abshir Yuusuf.

“Marka wax weyn weli iskama bedelin kalsoonida iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada gaar ahaan Puntland, sidaas darteed safarka maanta ee Khayre wax miro dhal ah lagama filan karo,” ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*