Doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee aqalka hoose oo Muqdisho ka bilaabmatay

Sanduukha doorashada [Sawirka: Archive]
Sanduukha doorashada [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada xubnaha aqalka hoose ee Somaliland u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ka bilaabmatay xarunta gaadiidka booliiska ee degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Raysulwasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo xukuumadii RW Saacid kasoo noqday wasiirka arrimaha dibada ayaa labaduba ku guuleystay xubinimada aqalka hoose.

Doorashada ayaa wali socota waxaana jira xubno kale oo u taagan xildhibaanada aqalka hoose ee Somaliland kasoo jeeda.

Somaliland oo sheegtay in ay 1991-dii ka goday Soomaaliya, ayaa xildhibaanada kasoo jeeda waxay doorashadoodu ka dhacaysaa Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*