RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay madaxweynaha Soomaaliya

Sharmaake murashax
Murashax Madaxweyne Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Sawirka: Twitter.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo shir saxaafadeed ku qabtay maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu u sharaxanyahay madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan go’aansaday in aan isku sharaxao madaxweynaha Soomaaliya doorashooyinka dhacaya bisha Oktoobar ee sanadka 2016,” sidaa ayuu Sharmaake ku yiri saxaafada.

Sharmaake ayaa sheegay inuu shaqooyin badan oo dalka qabyo ka ah uu qabanayo haddii uu ku guulasyto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Raysulwasaaraha ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan murashaxnimadiisa.

Cumar Cabdiradhiid oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa hadda ah raysulwasaaraha Soomaaliya, isagoo muddo labo jeer ah noqday raysulwasaare.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*