Caasho Geele Diiriye oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uga warbixisay horumarka haweenka Soomaaliyeed ay ka gaareen siyaasadda dalka

Caasho Geele Diiriye oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uga warbixisay horumarka haweenka Soomaaliyeed ay ka gaareen siyaasadda dalka. [Sawirka: UN Photo/Rick Bajornas]
Caasho Geele Diiriye oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uga warbixisay horumarka haweenka Soomaaliyeed ay ka gaareen siyaasadda dalka. [Sawirka: UN Photo/Rick Bajornas]
New York-(Puntland Mirror) Wasiiradii hore ee horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye ayaa shalay oo Jimce ahayd hadal ka jeedisay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Caasho Geele oo ka hadashay ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda dalka ayaa sheegtay in dumarka Soomaaliyeed ay sanadkan horumar  fiican ka gaareen ka qaybgalka talada dalka, gaar ahaan baarlamaanka.

“Tani waa guul la taaban karo oo aan horay loo arag oo ay gaareen haweenka Soomaaliyeed, iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan,” ayay tiri Caasho Geele.

“Isbadal weyn ayaa loo baahanyahay si loo horumariyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda. ” ayay ku dartay.

Caasho Geele ayaa carabka ku adkeysay in haweenka Soomaaliyeed ay muujiyeen midnimo intii lagu guda jirey geedi socodkii doorashada baarlamaanka dalka, balse dhaqaale la’aan iyo la’aanshaha arrimo kale oo badan ay keeneen in dumarka aysan helin qoondadoodii ahayd 30%.

Ugu dambayn waxay uga mahadcelisay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka taageeradooda.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*