Puntland oo dib u dhigtay dilka maxaabiis Al-Shabaab ah kuwaasoo lagu xukumay dil toogasho ah

Maxaabiista Al-Shabaab kuwaasoo la qabtay intii uu socday dagaalkii dhiiga badan ku daatay oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab bishii Maarso ee sanadkii 2016-kii. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa dib u dhigtay dilka maxaabiis Al-Shabaab ah kuwaasoo horey loogu xukumay dil toogasho, sida uu sheegay sarkaal.

Sarkaal dhanka ammaanka ah oo katirsan Puntland, kaasoo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dowladda Puntland ay dib u dhigtay dilka maxaabiista Al-Shabaab kuwaasoo horey loogu xukumay toogasho.

“Kadib cadaadis dhowr ah oo ka yimid beesha caalamka, dowladdu waxay go’aansatay in dib loo dhigo dilka maxaabiista Al-Shabaab kuwaasoo la qabtay intii uu socday dagaalkii dhacay sanadkii 2016-ka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Puntland iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaalku.

Maxaabiista ayaa laga sii daayay xabsiga waxaana loo raray guri kuyaala gudaha magaalada Garoowe si dib loogu dhaqancesho bulshada, sida uu sheegay sarkaalku.

“Dhawaan, ayaa maxaabiista laga saaray xabsiga waxaana loo wareejiyay guri kuyaala gudaha magaalada Garoowe si dhaqancelin loogu sameeyo.”  Sarkaalka ayaa sidaa sheegaay.

Bartamihii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, maxkamad milatari oo kutaala Garoowe ayaa 43 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan ku xukuntay dil toogasho ah. Waxaa lagu soo qabtay intii uu socday dagaalkii dhiiga badan ku daatay oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab bishii Maarso ee sanadkii 2016-kii.

Dabayaaqadii sanadkii 2016-kii, Puntland ayaa 26 maxaabiis ah oo Al-Shabaab ah kuwaasoo ka yar da’da 18-ka sanno ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*