Baarlamaanka Soomaaliya oo tuuray mooshin ka dhan ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tuuray mooshin ka dhan ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo la filayay in maanta oo Sabti ah ay cod u qaadaan.

Tuurida ayaa timid kadib markii Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil uu raaligelin siiyay xildhibaanada, kuwaasoo fadhi ku yeeshay Muqdisho.

Xoosh Jibriil oo baarlamaanka hortiisa hadal kasoo jeediyay ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu bishii lasoo dhaafay ku qoray boggiisa Twitter-ka oo ka dhan ahaa xildhibaanada.

Hadalkaas ayuu wasiirku ku dhaleeceeyay baarlamaanka Soomaaliya kadib markii baarlamaanku laalay eed loo haystay sideed xubnood oo baarlamaanka katirsan kuwaasoo Maxkamada Sare amartay in doorashooda dib loogu noqdo.

Khilaafka u dhaxeeya Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanla ayaa soo socday ilaa iyo bishii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in khilaafka ay soo farogeliyeen masuuliyiinta sare ee dowladda oo uu kamidyahay Madaxweynaha si loo joojiyo mooshinka ka dhanka ah Xoosh.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ah sharcidejiyeyaasha dalka ayaa awood u leh in ay u yeeraan masuuliyiinta sare ee dowladda oo ay kamidyihiin Raysulwasaaraha, golaha wasiiradda iyo haayadaha kale ee dowladda, waxayna u qaadi karaan codka kalsoonida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*