Dadaaladii dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble oo natiijo la’aan ku dhammaaday

Farmaajo iyo Rooble. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dadaaladii dhexdhexaadinta ee ay wadeen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaaday iyagoo aan wax natiijo ah laga gaarin, sida ilo-wareedyo ka ag-dhow kulanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Qodobada ugu waa-weyn ee la isku mari-waayay ayaa waxaa kamid ah magacaabisihii ugu dambeeyay ee ay labadoodu sameeyeen sida haayada sirdoonka NISA iyo wasiirka amniga.

Khilaafka u dhaxeeya labada hoggaamiye ee dalka ugu sareeya ayaa soo ifbaxay horaantii bishaan September kadib markii Raysulwasaare Rooble uu shaqada ka joojiyay madaxa NISA Fahad Yaasiin, oo ay saaxiib dhowyihiin Farmaajo.

Loolanka u dhaxeeya labada masuul ayaa dib u dhac ku keenaya hanaanka doorashada dalka oo qorshuhu ahaa in la qabto bisha soo socota ee Oktoobar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*