Madaxweynaha dowladda Puntland oo kulan la qaatay waxgaradka gobolka Mudug

waxgaradka
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulan kula qaatay madaxtooyada Gaalkacyo waxgaradka gobolka Mudug. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta oo Jimce ah gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay cuqaasha iyo nabadoonada Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo waxgaradka ayaa kulankooda diirada ku saaray dagaalka gobolka Mudug ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxgaradka uga mahadceshay sida ay markasta ugu howlanyihiin sidii loo qaboojin lahaa colaada gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay kaalin weyn ka geysan doonto sidii bulshada magaalada Gaalkacyo ay nabad-gelyo iyo deris wanaag ugu wada noolaan lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Gaalkacyo kula kulmo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed si ay uga wada-hadlaan soo afjarida dagaalka Gaalkacyo oo ay ku dhinteen tobonaan dad ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*