Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo. [Isha Sawirka: MOIFAR]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo kadib shir saxaafdeed ay Muqdisho ku wada qabteen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali maanta oo Khamiis ah.

“Xukuumadda Faderaalku waxay mar labaad taageeraysa go’aaNnadii issimada dhaganku ay shirweynahoodi Laascaanood ka so saareen 06/02/2023, ayadoona so dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka ku meel gaarka ah ee dada deegaanku ay dhisteen.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo uu akhriyay wasiirka arrimaha gudaha.

Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo xabad joojin, wixii khilaaf ah oo jirana lagu xaliyo wadahadal iyo wada-xaajood.

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yimid iyadoo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu safar ku joogo Muqdisho in ka nadan asbuuc, isagoo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Dowladda Federaalka, haayadaha dowladda iyo safaaradaha ajnabi ee ku sugan Muqdisho.

Dabaaldegyo

Kadib ku dhawaaqista aqoonsiga SSC-Khaatumo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa dabaaldegyo ka bilaabmeen deegaanada SSC gaar ahaan xarunta Laascaanood, oo ahayd halkii uu ka bilaabmay dagaalkii sideeda bilood socday ee Somaliland lagaga xoreeyay deegaanada SSC.

Boqolaal shacab ah oo sita calanka Soomaaliya iyo kan SSC-Khaatumo ayaa isugu soo baxay waddooyinka waa-weyn ee Laascaanood.

Boqolaal dad ah oo ku dabaaldegay Laascaanood. [Isha Sawirka: Facebook]

Aqoonsiga SSC-Khaatumo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga dhigan guul weyn oo u soo hoyatay deeganaas oo muddo badan ay Somaliland xoog ku haysatay.

6-dii Febaraayo ayaa shir ay isugu yimaadeen dhammaan isimada SSC waxay bayan ay soo saareen ku sheegay in aysan qeyb ka ahayn maamulada Somaliland iyo Puntland, balse ay yihiin maamul hoostagi doona Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo keentay in ciidanka Somaliland ay weerar culus ku qaadaan magaalada isla subaxdaas, waxaana ka dhashay dagaal socday 8 bilood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*