Ciidanka booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay dagaalyahano Daacish ah oo ajnabi ah

Dagaalyahano ISIS ah. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Puntland ayaa sheegay in dagaalyahano ajaaniib ISIS katirsan oo u dhashay Suudaan iyo Suuriya ay ku qabteen howlgal ciidan oo ka dhacay deegaano kuyaala gobolka Bari.

“Hawlgal kadhacay aaga Camaamo oo udhow degmada Balidhidin ee gobolka Bari laguna beegsanaayey maleeshiyaadka Daacish, waxay ciidanka Booliska Puntland gacanta kusoo dhigeen ajaaniib udhashay Dalka Suudaan iyo Sayria uuna kamid yahay Mohamed Ibraahim Daaha,” booliiska ayaa sidaas ku sheegay war-saxaafadeed ay caawa fiidkii ku soo daabaceen boggoda Facebook.

Ciidanka booliika Puntland ayaa horaantii sanadkan 2023 howlgal ku dilay madaxii hawlgalada Daacish Abu Albara Al amani oo u dhashay dalka Itoobiya.

Maleeshiyada Daacish ama ISIS oo ku dhuumanaysa deegaanada buuralayda ah ee gobolka Bari Puntland ayaa horey waxay u kamid ahayd ururka Al-Shabaab kahor inta aysan ka bixin dabayaaqadii sanadkii 2015-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*