Maleeshiyada ISIS oo nin ka shaqaynayay isgaarsiinta ku dishay gudaha gobolka Bari

Maleeshiyada ISIS oo nin ka shaqaynayay isgaarsiinta ku dishay gudaha gobolka Bari. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa nin ka shaqaynayay isgaarsiinta ku dishay tuulada Beel-wacatay ee gobolka Bari, sida ay ku warantay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir oo soo xiganaysa dadka deegaanka.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, ninka la dilay ayaa la shaqayn jiray shirkada isgaarsiinta Golis, oo ah shirkada isgaarsiinta ugu weyn gudaha Puntland.

Dilka ayaa dhacay maalintii Khamiista, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ma cadda sababta ka dambaysa dilka ninka, balse ilo-wareedyada ayaa sheeaya in maleeshiyadu ay rabtay in ay burburiso anteenooyinka isgaarsiinta ee deegaanka.

ISIS oo sidoo kale loo yaqaan (Daacish) ayaa joogtay gudaha Puntland tan iyo sanadkii 2015, maleeshiyada ayaa ka goosatay Al-Shabaabta buuraha Galgala waxayna ku biireen ISIS isla sanadkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*