Maxaabiis Al-Shabaab ah oo ka baxsaday xarun dhaqancelin oo kutaala magaalada Garoowe

Xarunta dhaqancelinta ee kutaala Garoowe. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 katirsan maxaabiis Al-Shabaab ah ayaa ka baxsaday xarun dhaqancelin oo kutaala magaalada Garoowe, sida uu sheegay sargaal katirsan laamaha ammaanka.

Sargaalka ayaa intaas ku daray in mid kamid ah baxsadayaasha lagu qabtay duleedka magaalada Garoowe.

Mid kamid ah shaqaalaha xarunta dhaqancelinta ayaa Puntland Mirror u sheegay in maxaabiistu ay ku guuleysteen in ay baxsadaan kadib markii ay gacanta ku dhigeen furihii qafilka.

“Maxaabiistu waxay heleen furihii qafilka kadib markii ilaaliyihii uu hurdo la dhacay, dabadeed waxaa u suurtagashay in ay baxsadaan,” Shaqaalaha oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay Puntland Mirror.

Baxsadayaasha ayaa lagu qabtay dagaalkii u dhaxeeyay ciidaamadda Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab sanadkii 2016.

Bishii May ee 2016, Puntland Mirror ayaa ogaaday in dowladda Puntland ay dib u dhigtay dilka maxaabiis Al-Shabaab ah, kuwaasoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*