Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis hordhac ah ku gaaray Addis Ababa

1
Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis hordhac ah ku gaaray Addis Ababa. [Sawirka: Puntland Mirror]
Addis Ababa-(Puntland Mirror)Wadahadal ay asbuucaan ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayay heshiis hordhac ah ku gaareen Somaliland iyo Khaatumo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay qodobada hoos ku qoran:

  1. In wadahadal iyo wada xaajood lagu dhammeeyo khilaaf kasto oo jira
  2. In wixii fadqalaalo iyo dacaayad gudaheena ah la joojiyo meelna looga soo wada jeedsado
  3. In meel looga soo wada jeedsado wixii gacan saddexaad ah ee farogelin ku samayn kara intay wadahadaladu socdaan
  4. In laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba
  5. In laga wada shaqeeqo xoojinta nabadgelyada
  6. In ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool iyo deegaanada Sanaag Bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tixgelinayo mar walba baahida iyo xaalada nabadgelyo siday tahay
  7. In aan la qorin ciidamo beeleedyo cusub inta wadahadaladu socdaan
  8. In maamul daadejin buuxda la sameeyo oo taabanaysa dhinacyada: siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka, arrimaha bulshada, nabadgelyada
  9. In Wadajir looga howlgalo sidii mashaariic waaweyn oo horumarineed looga hirgelin lahaa goboladaas
  10. In layska gaashado sidii gargaar loogu raadin lahaa, loona gaadhsiin lahaa dadka ku tabaaloobey abaaraha
  11. In haayadaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ka howlgalaan kana qaadaan xayiraada goboladaas

Masuuliyiinta labada dhinac ee heshiiska ka qeybgashay waxaa kamid ahaa Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo Maxamuud Shiikh Cumar Xasan oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha xisbiga muucaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali waraabe.

[ilink style=”note”]F.G: Qodobada heshiiska kasoo baxay waxay gaar u yihiin Puntland Mirror, fadlan ilaali xuquuqda daabacaada.[/ilink]

 

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*