Reer Guuraaga ay abaartu saamaysay oo wali u hayaansan deegaanada gobolka Karkaar oo dhawaan roobabku ka da’een

Reer Guuraaga ay abaartu saamaysay oo wali u hayaansan deegaanada gobolka Karkaar oo dhawaan roobabku ka da’een. [Xuquuqda Sawirka: Horseed Media]
Reer Guuraaga ay abaartu saamaysay oo wali u hayaansan deegaanada gobolka Karkaar oo dhawaan roobabku ka da’een. [Xuquuqda Sawirka: Horseed Media]
Qardho-(Puntland Mirror) Boqolaal reer guuraa ah ayaa wali kusii socda deegaanada hoostaga degmada Bender Bayla ee gobolka Karkaar halkaas oo dhawaan roobab ka da’een, sida ay wararku sheegayaan.

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayaa deegaanada miyiga Dhuudo ee gobolka Karkaar waxaa gaaray boqolaal reer miyi ah oo ka kala yimid gobolada Puntland iyo sidoo kale dhanka Somaliland, reer guuraaga ayaa halkaas u guuray kadib markii roobabkii Deyrta dabayaaqadeedii ay ka da’een iyadoo dhulka intiisa kale ay abaar daran garaacayso.

Duqa degmada Qandala Siciid Aadn Cali oo loo yaqaan (Siciid Anteeno) oo la hadlay warbaahinta ayaa bulshada degan deegaanada loo guuray ku ammaanay sida ay u soo dhaweeyeen dadka walaalahooda ah ee u soo hayaamay, Sciid Anteeno ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in raxmada Rabi halkaas ku shubay in loo wadaago si siman aysana cid isku dayin in ay si gaar ah seeraysi u sameysato.

Puntland ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo sannado ah, iyadoo 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin cuno iyo biyo.

Abaarta ayaa sababtay in ay yaraadaan biyaha iyo cawska, taasoo xoolaha nool ku keentay in ay dhintaan, kaasoo laf dhabarta dhaqaalaha u ah xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag ayaa ah meelaha ugu daran oo ay abaarta jirta saamaysay.

Xilli roobaadkii Deyrta oo baaqatay, taasoo sida caadiga ah la heli jiray Oktoobar ilaa November ayaa keentay abaarta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*