Turkiga oo Soomaaliya siiyay ku dhawaad 450 xabo oo qorigiisa casriga ah ee MPT-76

Sawirka: Qoriga MPT-76 soo lagu sameeyay gudaha dalka Turkiga.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa siiyay Soomaaliya qorigiisa casriga ah ee MPT-76 kaasoo dhawaan lagu sameeyay gudaha dalka Turkiga, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa ilo-wareedyo katirsan waaxda difaaca Turkiga.

Ku dhawaad 450 qori oo MPT-76 ayaa lagu wareejiyay Soomaaliya si ay u kula dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Qoriga ayaa gaari kara 600 mitir, isaga oo otomaatig ah toos ah u shaqeyn kara, waxaana uu wataa muraayadda aragga ee habeenkii oo lagu rakibi karo ama laga saari karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*