Dowladda Puntland oo joojisay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Soomaaliya oo Garoowe ka socotay

camay
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha madaxweynaha Cabdixakiim Cumar Camay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladad Puntland ayaa joojisay doorashadii xubnaha aqalka hoose ee dowlada federaalka Soomaaliya oo Garoowe ka socotay, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha madaxweynaha.

Digreetada kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha madaxweynaha Cabdixakiim Cumar Camay oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror, ayaa lagu sheegay in la hakiyay shaqada doorashada ilaa wax laga qabto qaabka loo qeybinayo xubnaha aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

Sida warsidaha Puntland Mirror fahansanyahay, dowladda Puntland ayaa kasoo horjeeda qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare, iyadoo doonaysa in beelaha dega gobolada Sool iyo Sanaag ay xubno ka helaan xubnaha aqalka sare ee maamulka Somaliland loo qoondeeyay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*