Dugsiga sare ee Al-xikma oo kuyaala magaalada Garoowe oo ay maalgeliyeen Urdun oo si rasmi ah loo furay

Madaxweyne Cabdiweli oo xariga ka jaraya dhismaha cusub ee iskuulka Al Xikam 27-2-2017. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dugsiga sare ee Al-xikma oo kuyaala magaalada Garoowe oo ay maalgeliyeen Urdun ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah loo furay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka qeybgalay munaasabadda furitaanka, waxaa sidoo kale ka qeybgalay saraakiil ka socday dalka Urdun.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa u mahadceshay maamulka iskuulka iyo dowladda Urdun sida ay uga qeyb qaateen dhismaha mashruuca iskuulka.

“Waxaa maanta farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb galo xafladan sida wanaagsan loo soo agaasimay ee aynu ku furayno iskuulka Al-xikma oo sanad ka hor aan dhagax dhignay, waxaan u mahdcelinayaa maamulka iskuulka iyo dowladda Urdun oo qayb wanaagsan ka qaatay dhamaystirka mashruucan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*