Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland oo codsaday in la soo qabto xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa codsaday in lasoo qabto xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

Maxamuud Xasan Aw-cusmaan, oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in xisaabiyaha lagu eedeeyay hanti tiro badan oo loogu talogalay shacabka, ciidanka iyo shaqaalaha gobolka Mudug in uu  si sharci daro ah u kala baxay khasnada dowladda.

Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in xisaabiyuhu uu Puntland ka baxsaday, waxaana uu ka codsaday dhammaan haayadaha amniga heer federal iyo kuwa heer maamul goboleed haddii ay arkaan meesha uu joogo in ay gacanta u soo galiyaan Puntland.

Xisaabiyihii hore ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug, Barkhadle Aadan Muuse oo asbuucii lasoo dhaafay warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe ku eedeeyay musuqmaasuq balaaran, balse wasiirka oo shir jaraaid ku qabtay Garoowe ayaa beeniyay eedaas, isagoona xisaabiyaha laftigiisa ku eedeeyay lunsasho hanti dad-weyne.

Puntland oo ku dhawaad labaatan sanno jirtay ayaa haayadaheeda dowladda waxaa hareeyay musuqmaasuq daran, mana jirto masuul katirsan dowladda Puntland oo weli maxkamad loo soo taagay lunsashada hantida dad-weynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*