Maraykanka oo liiska argagixisada caalamka ku daray wadaadka garka guduudsaday ee ISIS u qaabilsan Geeska Afrika

mumin
Cabdiqaadir Muumin, madaxa ISIS ee Geeska Afrika.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxa kooxda hubaysan ee Daacish (ISIS) ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa Maraykanka ku daray shalay oo Arbaco ahayd liiska argagixisada caalamka, taasoo keenaysa in lagu soo rogo cunqabatayn dhaqaale.

“Cabduqaadir Muumin waa madaxa kooxda ISIS ee Bariga Afrika,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibada Maraykanka.

“Muumin, oo horey Al-Shabaab ugu qaabilsanaa qorida dagaalyahanada cusub sidoo kalena ahaa afhayeen, ayaa ku biiray Daacish (ISIS) isaga iyo 20 saaxiibadiis ah bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, wuxuuna saldhig ka samaystay gudaha Puntland, Soomaaliya, tan iyo markaas, Muumin wuxuu balaariyay taageerayaashiisa iyagoo afduubtay dhalinyaro da’doodu tahay 10 ilaa 15, iyagoo la tababaray laguna khasbay in ay qayb ka qaataan howlaha kooxda.” Sidaa ayaa lagu yiri bayaanka Maraykanka.

Muumin ayaa afartii sanno ee u dambeeyay Al-Shabaab u qaabilsanaa hoggaamiyaha saldhiga Galgala ee Puntland, kahor inta uusan ku biirin ISIS.

Muuqaal bishii April lasoo galiyay You Tube ayaa Muumin kasoo muuqday isagoo sheeganaya inuu hadda laga bilaabo toos uga amar qaadanayo hoggaamiyaha Daacish (ISIS) Abu Bakar Al-Baqdaadi, muuqaalka ayaa waxaa ka muuqday tobonaan dagaalyahano ah oo uu sheegay in tababar uu u soo xirmay.

Muumin
Cabdiqaadir Muumin oo sheegay in tababarkii kowaad ee kooxda ISIS Geeska Afrika uu u soo xirmay bishii April ee sanadkan. Sawirka: Archive.

Kahor inta uusan imaan Soomaaliya, wadaadka garka guduudsaday ayaa ku noolaa dalka Britain waxaana lala xiriirinayaa dilka askari British ahaa.

Bishii May ee sanadkan, kooxda ISIS ayaa sheegatay in ay weerarkeedii kowaad ka geysatay gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dagaalyahanadooda ay qaraxa dhulka lagu aaso la beegsadeen ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Isaga oo la hadlayay warsidaha Puntland Mirror, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdiyare), agaasimihii hore ee ciidamada sirdoonka Puntland ee (PIA) ayaa sheegay in ISIS-ta joogta gudaha Puntland ay ka badanyihiin intii horey loo sheegay. Cabdiyare ayaa sheegay in garabka ISIS ee uu hoggaamiyo Cabdiqaadir Muumin ay dhanyihiin qiyaas ahaan 100 ilaa iyo 150 dagaalyahan oo xoogan kuwaasoo hela taageero, maaliyadeed, hub iyo mid la taliyeyaal iyagoo ka hela wilaayada ISIS ee Xadramowt oo fadhigoodu yahay bariga dalka Yeman.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*