Duulimaadyada maxaliga ah ee Soomaaliya oo dib u bilaabman doona asbuuca soo socda

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. [Isha Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duulimaadyada maxaliga ah ee Soomaaliya ayaa dib u bilaabman doona kadib markii loo joojiyay ka hortaga cudurka coronavirus.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shalay oo Arbaco ahayd sheegay in duulimaadyadu ay bilaabmi doonaan horaanta asbuuca soo oscda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in lagu dhaqmi doono tilaabooyin looga hortagayo cudurka oo ay kamidtahay in dadka safraya la baari doono.

Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah bishii Maarso, markaas oo dalka laga helay kiiskii ugu horeeyay ee COVID-19.

Ilaa iyo hadda 2,146 kiis oo COVID-19 ah ayaa laga helay Soomaaliya, 79 qof ayaa u dhimatay fayryska, halka ku dhawaad 400 qof ay ka bogdsadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*