Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa tagay magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan kulanka, kaasoo la filayo in uu dhaco maalinta Sabtida ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Kulanka ayaa la rajaynayaa in looga hadlo xaaladaha abaarta ee dalka ka jirta si lamid ah arrimaha ammaanka iyo xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Sidoo kale inta uu kulanku socdo, hoggaamiyaasha ayaa ka wadahadli doona shir-weyne quseeya Soomaaliya, kaasoo 11-ka bisha May ee sanadkan lagu qaban doono gudaha London, oo ay martigelisay Boqortooyada Ingiriisku.