Ugu yaraan 13 askari oo booliis ah oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero booliis oo kutaala Muqdisho

Ciidamo booliis ah oo gaardinaya. [Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qof isa soo miidaamiyay oo gashan dharka booliiska ayaa isku qarxiyay xero tababar booliis oo kutaala gudaha Muqdisho maanta oo Khamiis ah, ugu yaraan 13 askari oo booliis ah ayaa ku geeriyooday, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Afhayeen u hadlay booliiska oo la dhaho taliye Maxamed Xuseen ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in qofka weerarka geystay uu gudaha u galay xarunta booliiska Janaraal Kaahiye kadibna uu is qarxiyay xilli ay booliisku gaardinayeen.

Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, agaasimaha baabuurta gurmadka deg dega ah ee Aamin, ayaa Reuters u sheegay in ay goobta ka qaadeen 13 qof oo dhintay iyo shan iyo toban dhaawac ah.

Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*