Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya oo beenisay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Israel

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaarada arrimaha dibada ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in dhawaan kulan qarsoodi ah uu dhexmaray Raysulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, sida uu daabacday Wargeyska The Times of Israel.

Wargeyska ayaa sheegay in sarkaal u dhow Madaxweynaha Soomaaliya uu u xaqiijiyay in kulankaas uu dhacay balse ma xaqiijin meesha uu ku qabsoomay.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya oo lagu beeninayo warkaas ayaa u ekaa qaab qoraaleedka mid si dhab ah aan loogu faahfaahin kulankaas.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa si aan habacsanaan ku jirin abuuridda, cusbooneysiinta iyo xoojinta xiriirka iyo dan wadaaga, taasi oo u adeegeysa danaha qarankeena ee ka qeyb ah wadamada deriska iyo kuwa isbaheysiga nala ah ee dunida daafaheeda,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Bayaanka wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxalad adag ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar leh, sida darted ay la ambaqaadayso xaaladaha jira.

“Soomaaliya waxa ay si guul leh uga soo banbaxday waqti tegay oo adag, ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar ah. xagashu waxa isku badashay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal horumarineed oo aad u wacan. Sidaa darteed, waxaa muhiimad u leh Soomaaliya inay la ambaqaado howsha si wax ku ool leh dhammaan bahwadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiisa wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hortagidda argagaxisada caalamiga, dhiirigelinta horumarka dhaqaalle iyo fududeynta ganacsiga”.

Ugu dambayna gabagabada bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay qiimaynayso cida ay dan wadaagta yihiin ayna dadaal ugu jirto samaynta xiriiro macno leh wadamada isbahaysiga ah iyo kuwo kale oo cusub.

“Xilli Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qiimeyneyso dhammaan bahda ay dan wadaagta yihiin, ayna ku dadaaleyso u saldhigidda xiriiro macna leh wadamada isbaheysiga ah iyo kuwa cusub, iyadoo u jeedka yahay hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya , Wasaaraddu waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin.” Sida waxaa lagu yiri bayaanka wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Soomaaliya oo kamid ah Jaamacada Carabta iyo wadamada Isbahaysiga Islaamka ayaan shuruucda ururadaas aysan ku jirin in wadana uusan xiriir la samayn Karin Israel (Yuhuuda), iyagoo aan uu aqoonsanayn dal rasmiya, wadanka Masar oo katirsan ururadaas oo marar hore heshiisyo gaar ah la yeelatay Israel ayaa si weyn loogu cambaareeyay waxaana la saaray ganaaxyo badan.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa ahaa warsidihii ugu horeeyay  ee Soomaaliya oo daabaca warka ku saabsan kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Israel kadib wax 30 daqiiqo ka yar markii uu warkaas si rasmiya u daabacay wargeyska The Times of Israel, qorayaasha Puntland Mirror ayaa si dhaqso ah warbixintaas ay kasoo xigteen Wargeyska u turjumay.

Halkan ka Akhriso Warbixinta: Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan kulankii ugu horeeyay abid la yeeshay RW Israel – Puntland Mirror

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*