Maleeshiyada ISIS oo sheegatay masuuliyada dilka labo askari oo ka dhacay Boosaaso

Maleeshiyada ISIS. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa sheegatay masuuliyada dilka labo askari oo katirsanaa ciidanka booliiska Puntland, sida ay tabisay warbaahinta Acmaaq oo ku hadasha afka ISIS.

Dilka ayaa ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso Talaadadii, iyadoo kooxda dilka geysatay oo ku hubaysnaa baastoolado ay ka baxsadeen goobta, sida goobjoogayaal u sheegeen warbaahinta.

Dilkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo kooxda argagixisada ah ay ka fuliso gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland tan iyo bishii Janaayo, sida uu muujinayo xog uu uruuriyay bog wareedka Puntland Mirror.

Dabayaaqadii bishii Janaayo, Jaamac Maxamed Khuurshe, guddoomiyihii hore ee degmada Qandala, ayaa waxaa toogasho ku dilay niman baastoolado ku hubeysan gudaha magaalada Boosaaso, waxaana masuuliyada weerarkaas sheegatay ISIS.

Garabka Daacish ee Puntland ku sugan, taasoo asaasmatay bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin, oo horey u ahaa sargaal Al-Shabaab ah. Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ku dartay Muumin liiska argagixisada adduunka. Ku xigeenkiisii Cabdixakiin Dhuqub ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay bishii April 2019.

Maleeshiyada oo loo maleynayo in ay haysato ku dhawaad 100 dagaalyahan, ayaa saddexdii sanno ee u dambeysay sheegatay masuuliyada ficilo argagixiso oo ay kamidyihiin dilal iyo qaraxyo oo badankood ka dhacay gudaha Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*