Dagaalyahano ISIS katirsan oo weeraray tuulada Dasaan ee gobolka Bari

Dagaalyahano ISIS katirsan oo weeraray tuulada Dasaan ee gobolka Bari. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaalyahano ISIS katirsan ayaa weeraray tuulada Dasaan ee gobolka Bari, sida sarkaal dowladda ah uu warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay.

Sarkaal dowladda Puntland katirsan oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa Puntland Mirror u sheegay in weerarku uu dhacay shalay galab oo Sabti ahayd markii tobonaan maleeshiyo ISIS katirsan ay weerareen tuulada.

Sida Sarkaalku sheegay, dagaalyahanada ayaa bakhaarada kuyaala tuulada ka qaatay raashin waxayna dib ugu noqdeen deegaan u dhow tuulada Dasaan.

7-dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa kala wareegay magaalo xeebeedka Qandala malaaeeshiyada ISIS, kuwaasoo qabsaday dabayaaqadii bishii October.

Hal sanno jirta ISIS-ta joogta gudaha Puntland ayaa horey u ahayd koox ka baxday Al-Shabaab waxaana hoggaaminayay Cabdiqaadir Muumin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*