Qorshaha Dhagarta leh oo Farmaajo u degeyo Axmed Madoobe

Qorshaha Dhagarta leh oo Farmaajo u degeyo Axmed Madoobe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Qoraal uu ku qoray Jariirada Daily Nation oo ku soo baxay September 2014, ayaa Nicholas Kay oo markaas ahaa Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramadda Middoobey ee Soomaaliya wuxuu ka markhaanti kacay cadaymaha xoogan ee muujinaya taageerada loo hayo nidaamka Federaalka ee Soomaaliya.  Wuxuu qoray “Soomaalidu waxay  go’aansatay in aysan dib ugu noqon Soomaaliyadii jirtey ka hor burburka 1991, ee ay dhistaan nidaam siyaasadeed cusub oo ah Federaal, aan ahayn dowlad keli ah, ku dhisan dowladnimo dimoqraadi ah,  ee aan ku dhisnayn dowladnimo keligii talis ah”.

Afartii sanno ee la soo dhaafay waxaa dalka ka hirgalay nidaamka Federaalka oo lagu dhisay laba heer dowladeed; heerka Dowladda Federaalka ah iyo heerka Dowladdaha Xubnaha ka ah (Dowlad Goboleedyada – DG) iyadoo loo maray wadahadalo siyaasadeed oo dhib badan iyo isu-tanaasul. Maadaama uusan dhamaystirnayn  dastuurka qabyo-qoraalka ah ee Federaalka Soomaaliya, ma kala cada mas’uuliyadaha heerarka dowladda, lagamana heshiin arrimaha awood wadaaga, qaybsiga dhaqaalaha iyo khayraadka.

Warar ayaa ka soo baxaya isku dhac siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka (DF) ah iyo Dowlad Goboleedyada (DG) kaasoo ku aadan eedeymo loo haysto mas’uuliyiinta DF inay isku deyeyaan inay waxyeeleeyaan awoodaha Dowlad Goboleedyada iyo inay marooqsanayaan awooddii dalka ayna doonayaan in ay si keligii-talisnimo ah u maamulaan go’aana uga gaaraan arrimaha siyaasadda, nabadgelyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Isku dhaca la saadaalinayo wuxuu soo ifbixi doonaa bilaha soo socda oo uu ku dhexmari doono DF iyo DG kulamada looga hadli doono dhamaystirka howlaha dhiman sida dhamaystirka Dastuurka qabyo-qoraalka ah, ku heshiinta nidaamka doorashada 2020, hirgelinta qaabdhismeedka ciidanka iyo ka wada-hadalka qaybsiga awoodaha, dhaqaalaha iyo khayraadka. 

Madaxweynaha DF Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu eedeynayaa keligii talisnimo, si khaldan u kicin shucuurta dadweynaha, habdhaqan lidi ku ah Dowlad Goboleedyada iyo qorshayaal guracan oo ku salaysan aarsi oo kurisga looga qaadayo Madaxweynayaasha DG.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Fahad Yaasiin ayaa lagu eedeeyey inuu yahay shakhsiga ka danbeeya arrimaha lagu majoxaabinayo Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegaa inuu leeyahay awoodo waaweyn iyo saamayn baahsan. Fahad wuxuu caanku yahay hadalada cadaawada leh ee uu kaga soo horjeedo Puntland, iyo sida kharaar ee uu u diidan yahay nidaamka Federaalka Soomaaliya.  Waxaa lagu eedaynayaa inuu ku lug leeyahay arrimahan lidi ku ah DG isaga oo isticmaalaya dariiqooyin qaloocan sida laaluush iyo balanqaadyo.

Iska hor imaadkan soo fool leh ee u dhexeeye DF iyo DG wuxuu soo celin doonaa aaminaad daradii, kala shakigii iyo wada shaqayn la’aantii ragaadisey dowladihii hore. Wuxuu khatar ku yahay wada shaqaynta hogaamiyayaasha labada dhinac isaga oo keeni kara dib u dhac hawlahii halganka adag loo soo galay ee dhinaca siyaasada iyo amniga.

Qorsheyaal lagu mucaaradayo, loogana takhalusayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa si xawli ah uga bilaabmay Muqdisho asbuucyadii la soo dhaafay. Koox isku magacowday Isbahaysiga Soo Celinta Dimuqraadiyada Jubbaland oo uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee DF Mudane Cabdullahi Ciilmooge Xirsi ayaa looga dhawaaqay Muqdisho 5tii May 2018. Kooxdan oo badankooda ka soo jeeda Jubbaland ayaa waxay taageero ka heleen Dowladda Federaalka ah waxayna durba soo saareen warsaxaafadeedyo ay ku canbaaraynayaan Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kismaayo 7dii May 2018 wuxuu si xoogan uga hadlay arrimaha siyaasada iyo nabadgelyada dalka isaga oo dhaliil u soo jeediyey Dowladda Federaalka ah. Axmed Madoobe wuxuu munaasabaad si sarbeeb ah ugu muujiyey inuu ogyahay qorshayaasha DF wuxuuna digniin ka hortag ah u jeediyey DF inaysan farogelin arrimaha gudaha ee Jubbaland. 

Ilo ku sugan Villa Somalia waxay xaqiijinayaan inay jiraan kulamo iyo xiriir dhinaca telefoonka ah oo dhex maray hogaamiyayaasha JDRC iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah, eedeeyntaasoo sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre taageero xamaasadaysan u hayaan qorshayaasha lagu bedelayo Axmed Madoobe.

Ilo kale oo ku sugan Muqdisho ayaa xaqiijiyey in saraakiil sar sare oo ka tirsan DF lala socodsiiyey qorshayaal lagu hor-istaagayo dhaqdhaqaaqyada Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Waxaa lagu soo waramayaa in Puntland iyo Jubbaland loo bartilmaameedsanayo maadaama ay dhinaca fikirka, mabda’a iyo siyaasada isbahaysi ku yihiin iyo iyaga oo dhinaca maaliyada iyo maamulka ka madax bannaan Muqdisho.

Puntland Mirror waxaa soo gaarey xogo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in Dowladda Federaalka ahi u isticmaalayso barnaamijka dib u eegista Dastuurta qabyo-qoraalka ah in ay dib uga soo ceshato badanaaba awoodaha Dowlad Goboleedyadda. Xoguhu waxay kale oo tilmaamayaan in awoodaha khaaska u ah Dowladda Federaalka ah la kordhiyey oo la gaarsiiyey 25 awoodood oo dastuuri ah oo dowladda dhexe u khaas ah. Arrintani waa mid welwel leh, sababtoo ah waxay meesha ka saaraysaa muhiimada nidaam siyaasadeed loo dhan yahay, wada tashi iyo awood wadaagid. Wuxuu siinayaa hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka ah awood  aan cidna kula xisaabtamayn oo ay ku geysan karaan tacadiyo. Wuxuu hoos u dhigayaa qiimaha iyo waxtarka habka Federaalka, wuxuuna dalka dhaxalsiin karaa in dib loogu noqdo keligii-talisnimo iyo dagaal sokeeye. Wuxuu burburinayaa hamiga dad badan oo Soomaali ah oo qaba riyo ah inay arkaan xukunkii oo la daadejiyey loona dhoweeyey bulshada, kaasoo uu damaad qaadayo nidaamka Federaalku.

Ilaha xoguhu waxay sawir rajo xun ka muujinayaan jihada mustaqbalka ee dalka iyo cabsi ku heeran isku dhacyo siyaasadeed oo curyaamin kara hawlaha adag ee dalka horyaal bilaha soo socda. Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo codsaday inaan magiciisa la sheegin ayaa ku eedeeyey DF in ay qorshaynayso kaartooyin khatar ah oo aad u guracan oo ay ku abuurayaan kacdoono siyaasadeed oo khalkhalgelin ah iyo dumin maamul.  Iluhu waxay nagu qarsadeen in “Dowladda Federaalka ahi ay ka go’an tahay in ay kiciso mowjaddo kacdoon siyaasi ah oo lagu wiiqayo Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Jubbaland.  Waxay taageeri doonaan shakhsiyaad ka tirsan qabiilka Axmed Madoobe si loo kala qaybiyo awoodiisa asalka ah ugu danbeyntiina xukunka looga tuuro.  Wax ay la harayaan ma jirto, waxayna isticmaalayaan awood kasta oo dowladeed ah si ay u gaaraan qorshayaashooda”.

Waxaa jira warar la isla dhexmarayo Muqdisho oo muujinaya in DF ay dhaqaale ku bixin doonto in kooxda JDRC ku abaabulaan kulamo ka dhici doona Nairobi, gobolka Gedo iyo ugu danbayn magaalada Kismaayo.  Ma cadda in DF ay ka codsatay dowladaha Kenya iyo Itoobiya in gacan ku siiyaan qorshayaashooda.

Mida ugu halista badan oo laga walaacsan yahay dhaqdhaqaaqyada Dowladda Federaalka ah ayaa la xiriira qorsheheeda inay u isticmaasho Ciidanka Xooga Dalka (CXD) ee jooga meelo ka mid ah Jubbaland in ay ku hagar daaciyaan awoodda maamulka Jubbaland oo u maleegaan in xukunka laga tuuro Axmed Madoobe.

Isku dayga Dowladda Federaalka in ay dhinac marto maamulka Jubbaland oo ay la macaamiisho mas’uuliyiinta hoose ee gobolka Gedo ayaa loo arkaa calaamad kale oo cadayn u ah xiriirka sii xumaanaya. Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay qaaday talaabooyin kuwaas la mid ah oo ay uga dhex abuurayso mucaaradad iyo kalsooni xumo heshiiskii dhawaan dhex maray Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaca ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa iyana meesha ku jira fowdada sumaysan ee Muqdisho. Caasumadda dalku waxay caan ku noqotay in ay gabaad siiso kooxaha qaran dumiska ah, argagixisada, kuwa wata aragtiyada qaloocan, kuwa colaadaha huriya iyo dembiilayaasha baxsadka ah.  Labaatankii sanno ee la soo dhaafay waxay noqotay meel qof kasta oo u maleegaya qas iyo xasuuq dalka intiisa kale lagu soo dhoweeyeo. Si Muqdisho u sheegato martabadeeda caasimaddii qaran una hesho xushamd waa in ay iska rogtaa heeryada iyo muuqaalka xun ee ah “gabaadkii qaswadayaasha, fowdo maleegayaasha iyo dowlad dumiska”.

Wararka la xiriira isku dhaca siyaasadeed ee soo fool ka leh iyo qorshayaasha dowlad dumiska ah ee Dowladda Federaaalka waxay ka abuureen feejignan caasimadaha waaweyn ee Dowlad Goboleedyada. Magaalada Garoowe waxay dadku isu diyaarinayaan difaac iyo taareego lala garab istaagi doono Jubbaland, waxayna ku baaqayaan in Dowlad Goboleedyadu yeeshaan iskaashi dhow iyo midnimo si ay uga hortagaan faragelinta sharci darada ah burburkana wadata ee Dowladda Federaalka ah.

Shacabka Puntland waxay mar walba taageeraan hogaamiyayashooda marka faragelin dibeda oo lagu burburinayo ay timaado. Shacabka  Jubbaland waxaaa soo maray kala qaybsanaan, faragelin xun oo dibeda ah iyo wadanimo been ah in lagu kiciyo kuwaasoo laga soo abaabulo lagana maalgeliyo Muqdisho.  Waxay heleen nabad, amni, dowladnimo, cadaaalad iyo koboc dhaqaale afartii sanno ee Madaxweyyne Ahmed Madoobe uu maamulayey. Waqtiga ayaa sheegi doona in shacabka Jubbaland ay meel uga soo wadajeestaan isku dirka, iska horkeenka iyo hagardaamooyinka Muqdisho laga soo abaabulo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*