Heshiis xabad joojin ah oo laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool

(Midig) Garaad Jaamac Garaad (Bidix) Islaan Bashiir Islaan Cabdule. [Xiashada Sawirka: Facebook/Hon. Ali Haji Warsame]
Garoowe-(Puntland Mirror) Heshiis xabad joojin ah ayaa la gaaray oo u dhaxeeya beelaha ku dagaalamay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool, sida ilo-wareedyo katirsan odayaasha dhaqanka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdule ayaa hoggaaminaya wefdiga isimada ee heshiiska xabad joojinta ah kala dhex dhigtay labada dhinac.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, muddo bil gudaheed ah ayaa lagu balamay in la qabto shirweyne lagu soo afjarayo colaada u dhaxeysa labada dhinac.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beel-hoosaadka Cumar Maxamuud iyo beesha Dhul-bahante oo ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Cagaare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*