Ugu yaraan 14 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 14 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay meel u dhow huteel kuyaala Muqdisho galabta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan dowladda.

Kabtan Maxamed Xuseen ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in qaraxu uu ka dhacay meel u dhow huteel Weheliye oo kuyaala wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama. Wadada ayaa bartilmaameed u ahayd wakhtiyadii lasoo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab.

Intooda badan dadka khasaaruhu soo gaaray ayaa ahaa dad wadada marayay iyo ganacsato, sida Kabtan Maxamed Xuseen uu u sheegay AP. Tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa sheegay afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan.

Al-Shabaab ayaa mar walba weeraro ku qaada meelaha sar sare sida huteelada iyo bar kantaroolada milatariga. Qarax gaari oo dhacay bishii Oktoobar ayaa lagu dilay 512 qof, kaasoo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa. Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay.

Qaraxa galabta oo Khamiis ah ayaa imaanaya qiyaastii labo bilood kadib markii labo qarax oo gaari ay ka dhaceen Muqdisho oo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof.

Soomaaliya ayaa u halgamaysa sidii ay u la dagaalami lahayd xagjiriinta Al-Shabaab.

Milatariga Mareykanka, ayaa kordhiyay dadaalada ka dhanka ah Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay iyaga oo geystay duqaymo diyaaradeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*