Masuuliyiinta Nugaal oo ka hadlay howlgalo nabadgalyo oo ka socda magaalada Garoowe

IMG_95911
Duqa degmada Garoowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal oo saxaafada kula hadlay Garoowe. Xuquuqda Sawirka: Puntland Post.

Garoowe-(Puntland Mirror) Howlgalo lagu sugayo amaanka caasimada Puntland, Garoowe, ayaa maalintii labaad ka socda magaalada, sida ay sheegeen saraakiisha.

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa sheegay ujeedada howlgalka loo fulinayo inuu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka caasimada Garoowe, duqa ayaa sheegay in howlgalka ay ka qaybqaadan doonaan ciidamo isku-dhaf ah oo katirsan ciidamada dowlada, Xasan Goodir ayaa sheegay in aysan mar dambe jiri doonin askari aan howlgal ku jirin oo magaalada ku dhex sida qori.

Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Cabdulaahi Faroweyne ayaa sheegay in ciidamada ay sugi doonaan amaanka guud ee magaalada Garoowe, isagoo intaas ku daray in magaalada ay u diyaar garoobi doonto martigelinta shirar waaweyn oo uu kamid yahay soo xulista xildhibaanada aqalka sare ee Puntland u matali doona dowlada federaalka Soomaaliya.

Howlgalka oo ay ka qaybqaadanayaan boqolaal ciidamo ah ayaa shalay subax oo Arbaco ahayd ka bilaabmay magaalada Garoowe.

Garoowe ayaa lagu tiriyaa magaalooyinka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ugu amaanka fiican.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*