Wiilka hoggaamiyihii hore Libya Qadaafi oo xabsiga laga sii daayay

Saif al-Islam
Saif al-Islaam Qadaafi.

Wiilka uu dhalay hoggaamiyihii hore ee dalka Libya Mucamar Al-Qadaafi ayaa u muuqda in xabsiga laga sii daayay, sida ay sheegayaan warbixino soo baxay.

Sayf al-Islaam Qadaafi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah sanadkii hore, waxaana la sheegay inuu ku xirnaa magaalada Zintan oo kutaala galbeedka Libya.

Si kastoo ay ahaataba qareenkii Sayf al-Islaam ayaa u sheegay taleefishinka France 24 in 12-kii bisha April lasii daayay haddana uu fiicanyahay oo uu joogo gudaha Libya.

Qareenka ayaa sheegay in lagu sii daayay cafis ay meelmariyeen aqalka wakiilada ee dowlada Libya oo ay Qaramada Midoobay taageersantahay.

Macluumaad Twitter-ka lasoo gashay oo la sheegay in uu kayimid wasaarada cadaalada Libya ayaa lagu xusay in lasii daayay kadib codsi kayimid hoggaamiyaasha sare ee qabiilka Qadaafi.

44-sanno jirkan uu dhalay hoggaamiyihii hore Libya ayaa shahaadada PhD ka qaatay iskuulka dhaqaalaha ee London.

Waxaa la qabtay bishii November sanadkii 2011-ka, dhowr asbuuc kadib markii la dilay aabihiis, kadibna waxaa maxkamad Libya kutaala ku eedaysay dambiyo dagaal.

Maxkamada caalamiga ee (ICC) ayaa raadinaysa Sayf al-Islaam isagoo loo haysto doorkii uu ku lahaa gaboodfalo dhacay xilligii ay socdeen kacdoonkii Libya ee 2011-ka, kaasoo lagu riday taliskii aabihiis oo muddo 40-sanno ka badan ka jiray Libya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*