Wasiirka arrimaha dibada Ruushka oo Madaxweyne Putin u jeediyay in 35 diblomaasi oo Mareykan ah laga ceyriyo Ruushka si looga jawaabceliyo go’aankii Mareykanka

Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergey Lavrov. [Sawirka: Archive]
Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergey Lavrov. [Sawirka: Archive]
Moscow-(Puntland Mirror) Ruushka ayaa maanta oo Jimce ah iclaamiyay inuu qorshaynayo inuu dalkiisa ka saaro 35 diblomaasi oo Mareykan ah iyadoo looga jawaabcelinayo cunaqabataynta Washington, sida ay ku warameen wakaaladaha wararka Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergey Lavrov ayaa tilaabooyinkaas ay qaadayaan u jeediyay Madaxweyne Vladimir Putin.

“Wasaaradda arrimaha dibada Ruushka…. waxay ka codsatay madaxweynaha Ruushka in uu ogolaado cayrinta 31 shaqaale ah oo katirsan safaarada Mareykanka uu ku leeyahay gudaha Moscow iyo afar diblomaasi oo katirsan qunsuliyada kutaala magaalada St Petersburg,” ayuu yiri Lavrov oo taleefishinka ka hadlayay.

Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib markii, Mareykanku uu sheegay in uu dalkiisa ka saarayo 35 diblomaasi oo Ruush ah.

Madaxweyne Putin wali ma uusan ogolaan codsiga ay u soo jeedisay wasaaraddiisa arrimaha dibada.

Xukuumada Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhammaanayo ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu faragelin ku sameeyay doorashadii dhacday bishii November,  2016-ka.

In badan oo kamid ah xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Barrack Obama ayaa aaminsan in weerar dhanka hawada ah oo Ruushku u geysteen codadka doorashada ay waxyeelaysay Hillary Clinton fursadihii ay ku guulaysan lahayd doorashadaaas oo uu uga guuleystay Donald Trump.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*