Kulanka kadib, Xi Jinping ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku balameen khadka taleefoonka bishii lasoo dhaafay.
“Waxaanu u baahanahay in aynu sameyno dadaalo wadajir ah oo lagu kordhinayo iskaashiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Mreykanka waxaana aaminsanahay in aan sameyn karno in aan hubino in xiriirku uu horey u socon karo iyadoo ay soo wajahanyihiin habab waxtar leh,” ayuu yiri Madaxweynaha Shiinaha.
Waxa uu ku daray: “Aad baan ugu rajo weynahay sida ugu macquulsan in aan u sameyn karno arrintan, xiriirkuna waxa uu noqon doona mid dhanka wanaagsan aada.”
Tillerson, ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Trump uu ku niyadsanyahay xiriirka Madaxweyne Xi uuna diyaar u yahay sidii loo siyaadin lahaa xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Rex Tillerson, ayaa maalmihii u dambeeyay safarkiisii ugu horeeyay ku marayay wadamada Asia, waxaana uu soo maray wadamada Japan, iyo Koonfur Kuuriya.