Madaxweyne ku xigeenka Puntland: Muuse Biixi cunaqabatayn ma saari karo gobolka Sanaag

 

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in Somaliland aysan cunaqabatayn saari karin gobolka Sanaag.

“Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, arrin lala yaabo weeye, cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa haayadaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah.” Ayuu yiri Axmed Cilmi Cusmaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan joogin gobolka Sanaag, waxaana uu ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay gabaad siiyaan maleeshiyada.

“Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in haayadaha caalamiga ah aysan ka shaqayn karin gobolka Sanaag, isaga oo yiri waa gobol ay joogaan ururo argagixiso.

Bilihii u dambeeyay, xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee ka taatan gobolka Sanaag ayaa sii kordheysay.

Dhawaan, ku dhawaad 200 ciidamo Somaliland katirsaanaa iyo saraakiishooda ayaa ka soo goostay iyaga oo si rasmi ah ugu biiray Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*