Madaxweynaha xilka ka tagaya ee Puntland iyo madaxweynaha cusub oo kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada

Madaxweynaha xilka ka tagaya oo madaxweynaha cusub xarunta madaxtoyada ku soo dhweeyay. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha xilka ka tagaya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni maanta oo Arbaco ah kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada.

Kulanka oo imaanaya maalin kadib markii ay dhacday doorashada madaxweynaha Puntland ayaa ujeedadiisu ahayd in laga wada-xaajoodo sidii ay u dhici lahayd xukun wareejinta, sida ilo ka ag dhow kulanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*