Puntland oo 26 maxbuus oo Al-Shabaab ah ku wareejisay dowlada federaalka Soomaaliya

maxaabiis-al-shabaab-ah
Maxaabiis Al-Shabaab ah oo ku jira xabsiga magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 26 maxaabiis Al-Shabaab ah oo ku jiray xabsiga Garoowe ayaa loo wareejiyay Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal dhanka amaanka ah, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in wareejintu ay dhacday.

Sida uu sargaalka sheegay, dagaalyahanada la wareejiyay ayaa dhawaan lagu xukumay dhaqan-celin sababtoo ah waxay ahaayeen caruur yar yar.

Ku dhawaad 97 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa la soo qabtay intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada dowlada Puntland iyo kooxda Al-Shabaab oo bishii Maarso ee sanadkan ka dhacay gobolada Mudug iyo Nugaal.

Waa markii kowaad oo ay dowlada Puntland maxaabiis ku wareejiso dowlada federaalka Soomaaliya ee Muqdsho.

Bartamihii bishii Juune, maxkamada ciidamada dowlada Puntland ayaa 43 dagaalyaan oo Al-Shabaab ah oo ka weyn 18-sanno ku xukuntay dil toogasho ah.

Bishii lasoo dhaafay ee September, maxkamada ciidamada ayaa sidoo kale ku xukuntay 28 Al-Shabaab ah xabsi u dhaxeeya 15 ilaa iyo 20-sanno.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*