Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo tagay magaalada Qardho

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo tagay magaalad Qardho. [Sawirka: Facebook]
Qardho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta oo Sabti ah tagay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Wasiirka ayaa waxaa duleedka magaalada ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Karkaar iyo degmada Qardho iyo dad kale oo shacab ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeelan doono maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada inta uu ku guda jiro muddo labbo beri ah oo uu halkaas joogi doono.

Asbuucii lasoo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku yimid Puntland tan iyo markii uu qabtay xafiiska bilowgii bishii April ee sanadkan. Inta uu joogay gudaha Puntland Juxa ayaa ayaa safar ku tagay magaalooyin dhowr oo ay ku jiraan Gaalkacyo, Garoowe, Eyl, iyo Qardho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*