Lix dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada ISIS oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Puntland

Maleeshiyada ISIS. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Lix dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada ISIS ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Buuraha Golis ee Puntland, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay bayaan ku sheegeen Arbacadii.

Duqeynta ayaa dhacday Talaadadii, sida ay sheegeen AFRICOM.

Bilihii u dambeeyay, Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ee ka dhanka ah maleeshiyooyinka ISIS iyo Al-Shabaab kuwaasoo ku dhuumana dhulka Bari ee buuraleyda ee Puntland.

Tani waa duqeyntii todobaad oo ka dhacda deegaankaas tan iyo bishii April markaas oo duqeyn uu Mareykanku isla deegaankaas ka fuliyay lagu dilay Cabdixakiin Dhoboq oo ahaa hoggaamiye ku xigeenka ISIS.

ISIS oo markii hore ka go’day Al-Shabaab ayaa kacdoonkeeda ka bilowday gobolka Bari dabayaaqadii sanadkii 2015. Waxaa lagu qiyaasaa in ay haystaan dagaalyahano u dhaxeeya 100 ilaa 150.

Kooxdan ayaa weeraro khaarajin ah iyo qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*