Madaxweynaha Soomaaliya oo wadahadalo la yeeshay dhiggiisa Shiinaha

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinping, Beijing, August 31, 2018. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Xi Jinping.

Wadahadalada ayaa ka dhacay magaalada Beijing ee caasimada dalka Shiinaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen arrimaha iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal sida lage sheehay war-saxaafadeedka.

Soomaaliya iyo Shiinaha

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxay lahaan jireen xiriir wanaagsan gaar ahaan xilliyadii xukuumaddii Maxamed Siyaad Bare.

Burburkii kadib, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusf Axmed ayuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo safar rasmi ah ku taga dalka Shiinaha sanadkii 2005-dii.

Cabdullaahi Yuusf ayaa heshiisyo la soo galay Shiinaha xilligaas balse taasi waxay keentay in wadamada reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanku uu ka carooday qeybo kamid ah heshiiskaas.

Sida dhabta ah, heshiiskii Cabdullaahi Yuusf uu la saxiixday Shiinaha waxba kama hirgalin tan iyo maanta.

Madaxweyne Farmaajo hadda wuxuu ka qaybgalayaa shirka madaxda Africa iyo Shiinaha oo beri ka furmaya magaalada Beijing.

War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya si dhab ah looguma faahfaahin waxa uu ka koobanyihiin heshiiska la sheegay in labada dhinac ay kala saxiixdeen.

Qeybo ka mida saxaafadda Muqdisho ayaa Formaajo u laqimay in uu Shiinaha ka codsado in uu mar labaad dhiso garoonkii ciyaaraha ee uu horay u dhisay Shiinuhu oo dagaaladii Caydiid iyo Cali Mahdi burburiyeen, garoonka ayaa asbuucaan waxaa ka baxay ciidamada AMISOM oo halkaas saldhig u ahaa ilaa iyo 2011-kii.

Heshiiskan xaqiiqdiisa waxaa la ogaan karaa haddii ay dowladda Shiinaha shaaciso ama waraysi mugweyn oo madaxweyne Farmaajo ama wasiiradiisu siiyaan saxaafadda Soomaalida ee madaxa-banaan, inkastoo madaxda Soomaalidu jawaabahooda dal booqashooyinka markay timaado ay ku soo koobaan “waxaanu ka wadahadalnay xiriirka labada dal iyo iskaashiga” .

Ugu dambeyn lama oga in Mareykanka iyo xulufadiia Midowga Yurub oo taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay ka xumaan doonaan heshiiska Shiinaha haddii uusan dan u ahayn iyaga oo dagaal dhaqaale uu kala dhaxeeyo Shiinaha, oo ah wadanka labaad ee adduunka ugu weyn dhanka dhaqaalaha uguna koboca badan.

Mareykanka ayaa aad uga walaacsan koritaanka dhaqaale iyo milatari ee Shiinaha uu ku leeyahay qaarada Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*