Maxay yihiin ajandayaasha ugu waa-weyn ee shirka Kismaayo ee madasha maamul goboleedyada?

Madaxda maamul goboleedyada. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Shirka madasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa in 3-da September uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Madasha maamul goboleedyada ayaa waxaa ku midaysan Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeele.

Ammaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyada oo ciidamo badan la dhiggay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Ajandayaasha shirka madasha

Ajandayaal badan ayaa la filayaa in shirka looga hadlo waxaana ugu waa-weyn doorsahooyinka madaxtinimada ee ku soo fool leh saddex kamid ah madasha oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaa sidoo kale ajandayaasha ku jira khilaafka ka dhex-jira Galmudug, iyo xiriirka daciifka ah ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona shirka oo socon doona dhowr beri, sida qorshuhu yahay.

Dhismihii madasha

Waa shirkii 3-aad ee ay yeeshaan tan iyo markii la asaasay madasha maamul goboleedyada Soomaaliya bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii, waxaana guddoomiyaha madasha ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Dadka siyaasadda Soomaaliya falaanqeeya ayaa sheegaya in mdashan la dhisay xilli ay jirtay cadaadis dowladda dhexe ee Farmaajo hoggaminayo ay ku heysay qaar kamid ah maamul goboleedyada sida Galmudug iyo Jubbaland, waxayna tani keentay in isku duubnida ay muujiyeen madaxda maamul goboleedyadu ay dib u dhigtay cadaadiskii ka imaanayay dowladda dhexe oo iyadu maamusha Muqdisho oo keliya.

Sidoo kale waxaa xilligii la asaasay madasha jiray khilaafyo waa-weyn oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya uuna kamid ahaa khilaafkii Carabta kaasoo dowladda dhexe sheegtay in ay “dhex-dhexaad ka tahay”, balse maamul goboleedyadu ay badankood taageereen xulufada Sucuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*