Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ku wargeliyay haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee howlgala Soomaaliya in ay deg deg dalka ugu soo guuraan

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan kula yeeshay wakiilada INGos Muqdisho Ausgut 30, 2018. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u sheegay wakiilada haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah (INGOs) in ay u soo guuraan gudaha dalka, haddii ay diidaana in ay fuliyaan ammarka in dowladdu ay ka saari doonto diiwaanga haayadaha ka shaqeeya Soomaaliya gudaheeda.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhiggay waxa uu ku yiri: “Maanta waxaan kulan la yeeshay madaxda haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ee ka howlgala gudaha Soomaaliya. Waxaan ku wargeliyay go’aanka dowladda ee ah dhammaan haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga in ay si buuxda oo muuqata u joogaan gudaha Soomaaliya ayna kamidyihiin madaxdoodu laga bilaabo Janaayo 1-deeda 2019. Haddii ay ku guuldareystaan in ay fuliyaan waxay keeni doontaa in diiwaanga laga saaro,”

Dhammaan haayadaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa waxaa xarun u ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay fadhiyaan madaxdooda sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*