Diktoor Dufle oo katirsan xildhibaanada aqalka sare oo ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa

Diktoor Cismaan Maxamuud oo loo yaqaan (Dufle). [Sawirka: BBC Soomaali]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diktoor Cismaan Maxamuud oo loo yaqaan (Dufle) oo ah xubin katirsan aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ka badbaaday isku-day dil ah, sida ay sheegayaan wararku.

Diktoor Dufle ayaa ka badbaaday dilka kadib markii miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaarigiisa xilli uu ku sii jeeday xarun caafimaad oo uu ku leeyahay gudaha magaalada Muqdisho.

Dhowr ilaaladiisa kamid ah ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2016-ka, ayaa Dikotoor Dufle loo doortay xubin katirsan aqalka sare ee dalka.

Diktoor Dufle oo kamid ah dhqaatiirta khibrada leh oo aan dalka dibada uga bixin markii uu burburku dhacay, ayaa bishii December 2009-kii ka badbaaday qarax xoogan oo isbiimayn ahaa oo ka dhacay huteel Shaamow, kaasoo ay ku dhinteen ilaa afar wasiir oo dowladda federaalka Soomaaliya  katirsanaa iyo ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo ka qalinjabisay kulliyada caafimaadka ee jaamacada Banaadir oo Diktoorku asaasay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*