Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Imaaraatka Carabta ay sii wadi doonaan taageerada ciidamada badda Puntland ee PMPF

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta oo Isniin ah safar ku tagay xerada PMPF ee Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Facebook/PMPF]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sii wadi doonta taageerada ciidamada badda Puntland ee PMPF, sida uu sheegay madaxweynuhu.

Isaga oo ka hadlayay shir saxaafadeed ka dhacay Boosaaso maanta oo Isniin ah, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Isutaga Imaaraatka Carabta ay sii wadi doonaan tababarka iyo mushahaar siinta ciidamada PMPF.

Madaxweynaha Puntland ayaa beeniyay in Imaaraatka Carabta ay joojiyeen taagerada PMPF. Waxaana uu Imaaraatka Carabta uga mahadceshay taageeradooda ciidanka.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ku tilmaamay ciidanka PMPF in ay kamidyihiin kuwa ugu tababarka fiican Soomaaliya, kuwaasoo kaalin weyn ka ciyaara ammaanka guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Wakaalada wararka Imaaraatka Carabta ee WAM ayaa Axadii sheegtay in Dubai ay joojisay barnaamijkii tababarka ciidamada ee Soomaaliya, iyada oo intaas ku dartay in Imaaraatka uu sii kormeeri doono ciidanka la dagaalanka burcadbadeeda ee ku sugan Puntland.

Imaaraatka Carabta ayaa bilaabay taageerada ciidamada PMPF sanadkii 2011 xilligii maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*