Khaatumo oo sheegtay in ay wadahadal la bilaabeen Somaliland

Khatumo
Hoggaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galayr.

Garoowe-(Puntland Mirror) Maamulka Khaatumo oo uu hoggaamiyo Raysuwasaarihii hore ee dowladii kumeel gaarka ahayd ee Carta, Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay inuu wadahadal la furay maamulka Somaliland, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Khaatumo.

Axmed Xaaji Cali oo sheegay inuu yahay wasiirka warfaafinta Khaatumo oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa xaqiijiyay wadahadalka kala dhaxeeya maamulka Somaliland.

“Maamulka Khaatumo wuxuu go’aan ku gaaray dhinacyada aan is-hayno ee colaad siyaasi ah iyo mid xabad naga dhaxayso sida Puntland iyo Somaliland in aan wadahadal siyaasi ah la furno oo aan la galno,” ayuu yiri Axmed Xaaji Cali.

Axmed Xaaji Cali ayaa sheegay in wefdi lix xubnood ka kooban oo maamulkiisa ka socda ay ka amba-baxeen magaalada Buuhoodle ayna tageen magaalada Caynaba si ay uga qaybgalaan wadahadalka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland.

Dhanka kale, wasiirka biyaha maamulka Somaliland, Baashe Cali Jaamac oo asbuuci hore saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhawaan uu furmi doono wadahadal u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo.

Dowlada Puntland oo aan aqoonsanayn Khaatumo ayaan wali ka hadlin wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*