Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka bilaabmay meel u dhow deegaanka Tukaraq

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka bilaabmay meel u dhow deegaanka Tukaraq. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka bilaabmay meel u dhow deegaanka Tukaraq, sida uu sheegay masuul.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe maanta oo Talaado ah, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda ku sugan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ciidamadeeda la jabiyay oo dib loo riixay.

Dhawaacyadii askarta labada dhinac ayaa loo qaaday Garoowe iyo Laascaano, saraakiil caafimaad ayaa u sheegay Puntland Mirror.

Hadda ma jiraan wax dagaal ah sababtoo ah roobab culus ayaa ka bilaabmay deegaanka, ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay.

Si kastoo ay ahaataba, isku dhicii maanta oo Talaado ah ayaa ahaa kii ugu weynaa oo u dhaxeeya labada dhinac tan iyo markii ay bilaabmatay khilaafka Tukaraq bishii Janaayo ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*