Kulan lagu dhex-dhexaadinayo Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka socda

untitled
Kulan lagu dhex-dhexaadinayo Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka socda. [Graphic: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wufuud ajnabi ah oo uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dhex-dhexaadinaya dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug oo dhawaan dagaal culus oo dhiig badan ku daatay ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo.

Kulanka dhex-dhexaadinta oo ay albaabada u xiranyihiin ayaa ilaa maanta oo Sabti ahayd ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo kan Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa labada dhinac u matalaya kulanka dhex-dhexaadinta.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo kulanka oo ilaa caawa socda. Ilo-wareedyo dowladda Puntland ah ayaa warsidahaPuntland Mirror u sheegay in kulanka lagu gaaray heshiis hordhac ah oo lagu xoojinayo heshiiskii horey labada dhinac ugu gaareen dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo labada dhinacba ay ciidamo ammaanka sugaya ay dhigeen dhinacyada ay magaalada ka maamulaan.

Bishii December sanadkii lasoo dhaafay 2015-ka, labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis ku gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii uu dagaal dhexmaray, iyadoo heshiiskaas ay garwadeen ka ahaayeen dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo beesha caalamka, laakiin heshiiskaas ayaa burburay kadib markii bilowgii bishii Oktoobar ee sanadkan ay colaado kasoo cuboonaadeen xadka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo oo ah caasimada gobolka Mudug ayaa u kala qeybsanta labo qeybood, qeybta koonfureed waxaa ka taliya maamulka Galmudug halka qeybta waqooyi ay maamusho dowladda Puntland.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*